Home   I   City Guide   I   About us   I  Contact

28 Jun 2016

Miyi iyo Magaalo

Miyo & Magaalo waa goob nasasho, madadaalo iyo dalxiis. Waxay goob la iskugu kaa keenay qaab-nololeedka casriga ah iyo dhaqankii soomaaliyeed. Goormaa kuugu danbaysay dhul cidlo ah oo dhinac kasta oo ishaadu qabato wax dhismo ahi kaa xigin? Goormaa kuugu danbaysay cirka oo habeenkii aad xidigaha tirisid?
Goormaa kuugu danbaysay buuraha Golis oo aad bartaada adiga oo fadhiya aad ka daalacan kartid? Goormaa kuugu danbaysay buuraha Naasa Hablood iyo qorax sii dhac isku hagaaga galabtii oo aad isha ugu raaxaaysid?

Hadaba hore u soo gaadh Miyi & Magaalo. Hadii aad tahay qof keli ah, qoys dhan, koox dalxiis ama shirkadd intaba waxaanu kuula diyaar nahay adeeg iyo soodhawayn heersare ah.

https://www.facebook.com/pages/Miyi-Magaalo/1387890154794230?sk=info&tab...

 

Category: