Home   I   City Guide   I   About us   I  Contact

Hargeysa Oo Laga Xusay 55 Guuradii Ka Soo Wareegtay Markii Ay Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Ingiriiska

Hargeysa(Hargeisacity):- Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Somaliland Ee Magaalada Hargeysa Si Baladhan Loogu Xusay  Maalintii Ay Somaliland Xoriyadeeda Kala Soo Noqtey Guumeystihii Ingiriiska   Oo Ku Beegan  26 Junne  1960 Lagana Jooga 55 Sanadood .
 
 
 
Xafladan Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Madaxweynaha Somaliland , Gudoomiyaha Maxkamada Sare , Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,   Taliyaasha Ciidamada Somaliland   , Odeyaal  , Xubno Ka Mid Ah Golaha Wasiirkada Xukuumada Kulmiye Iyo Masuulyiin Kale .
 
 
Ugu Horeyn Waxaa Uu Madaxweynaha Somaliland Oo Salaan Sharafeed U Ka Qaatey Cutubyo Ka Tirsan Ciimada Qaranka Somaliland Isgoona Madaxweynu Intaas Ka Dib Goobta Saarey Calka Jamhuuriyda Somaliland .
 
 
 
Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Hogaamiyaha Qaranka Somaliland   Ayaa Waxaa U Intaasi Ka Dib Madasha Ka Yidhi Kalmado Kooban Oo UU Kaga Hadlayo Ahmiyada  Maalintani Qaranka  U Leedahay Waxaana Uu Yidhi “Waxaa  Farxad Weyn Maanta Inoo Ah In Aynu  U Dabaal Degno   Mudadii Ka Soo Wareegtey Markii Aynu Xoriyadeena Ka Qaadanay Dalka Ingiriiska Oo Laga Jooga 55 Sano Isla Markaana Ku Beegan 26.June.1960 .
 
 
 
Dalkeenu Waa Dal Aad Iyo Aad U Soo Halgamey Waa Dal Ay Dadkiisa Iyo Dadkiisu Madaxbaanidiisa U Soo Halgameen  Waynu Qaldaney Waxyaabo Badan Oo Aynu Sameynay Wey Jiraan Lakiin Maanta Weynu Ka Soo Kabaney Xoriyadeeni Iyo Dadnimadeeni Ayeynu Heysanaa Calaamkuna Waa Uu Inala Macaalimaa Waxa Aynu U Baahano Weynu Qabsan Karnaa  Insha alleh Waxeynu Rajeyneynaa In Aynu Caalamka Ictiraaf Buuxa Aynu Ka Helno Waana Aanu Ku Dadaali Doonaa  Waxaanan Hanbalyo U Dirayaa Ciidamada Qaranka Iyo Shacabka Somaliland Meel Kasta Oo Ay jooganba “ AYuu Yidhi Madaxweynah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo .
 
 
Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Madasha Ka Hadlay Xaaji Cabdiwaraabe Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Waxaana Ay Dhamaantood Sheegeen In Maalintani Ay Tahay Maalin Ku Weyn Qaranka Somaliland Isla Markaana Ay Haboon Tahay In La Xuso Oo La Xasuusnaado .
 

Address: 

Hargeisa

Duration: 

Friday, June 26, 2015 - 22:00

Facebook Comments Box