Home   I   City Guide   I   About us   I  Contact

Isbadal jidka magaalada ugu muhiimsan

Guud ahaanba shacbiga ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa, la fajacsan jidka Wadnaha Caasimada oo hadana mar kale loo wareejinayo soo galid halkii markii hore laga dhigay,bixitaan taas oo lagu dhawaaqey islamarkaana, dhawaan hore loo badelay jidkaas oo laba haad ahaa haseyeeshee, lagu koobay hal jid oo kaliya.
 
Mar kale ayaa jidka Wadnaha ah ee dhex mara Gudaha Caasimada Hargeysa khusuusana Madaxtooyada iyo Cusbitaalka hortiisa laga badelay hanaankii lagu marayay indhawaale taas, oo ay wadajir ugu dhawaaqeen Wasiirka Arimaha Gudaha   
    
Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Gududa Bilicda Caasimada inakstoo aanay markii hore isku waafaqsaneyn Maamulka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Wasiirku.
 
Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Caasimada Hargeysa ayaa, cabsi ka qaba in khaladaad ka iman karaan marista jidkan iyadoo dhinaca kale loo wareejiyay jidka Cusbitaalka daba mara oo galitaan lagu marayay nidaamkii hore ee loo badelay hadana waxa hada lagu badelayaa jidkaasi bixitaan.
 
Sikasta oo ay tahay, hadana lama oga in sidan lagu deynayo iyo in mar kale lakala  badelayo maadaama ay hada kusoo beegantey dabayaaqada bisha barakeysan ee Ramadaan oo jidka wadanaha iyo jidadka kale ee Magaalada Hargeysi cidhiidhi badan ku keenaan dadweynaha u socda dhinaca bacadlaha ay kasoo tukaansanayaan qaadashada dharka Ciida oo wakhtiyadan caruurta si xoog ah loogu qaado.
 

Address: 

Badhtamanha

Duration: 

Thursday, July 9, 2015 - 10:45

Facebook Comments Box